Duqa Muqdisho oo fal-danbiyeed ku tilmaamay Imtixaanka la xaday

Date:

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Xeer Illaalinta Qaranka iyo Hay’adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska in si deg-deg ah tallaabo sharciga lagu horgeynayo looga qaado cid walba oo ku xadgudubtay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay.

“Wasaaradda Waxbarashada waa inay hubiyaan nidaamka imtixaanka ka hor inta aysan ardeydu fariisan Maamulka G/Banaadirna waxuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato wixii taageero farsamo ah ee looga baahdo. Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha G/Banaadir waa in imtixaanada gobollada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyadu ka dhacday”.

Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Ardeyda iyo waalidiinta ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan mar haddii imtixaankii suuqa galay, isagoo ku tilmaamay go’aanka Wasaaradda ee dib loogu celiyey imtixaanka mid sax ah.

Eng. Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saari doono sidii looga hortagi lahaa fal dambiyeedkan foosha xun oo Sumcada Soomaaliya meel weyn uga dhacay, cid walba oo ku lug leh arrintanna ay sharciga mari doonto

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...