Wasiirka Cusub ee Warfaafinta oo maanta xilka la wareegay

Date:

SNTV:-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maantay si rasmiya ula wareegay xilka wasaaradda warfaafinta oo dhawaan loo soo magacabay.

Xilwareejinta ayaa waxaa gobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo masuuliyiinta  kale ee  Wasaaradda warfaafinta.
Wasiirkii Hore warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” isagoo sheegay in Warfaafinta  ay heyso Shaqo badan  muhiim ugu ah bulshada  Soomaaliyeed.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan xilkii Wasaaradda ku wareejiyo Wasiirka cusub waxaan u rajeynaa in uu shaqada meesheedii kasii wadi doono meel fiican ayaana ugu imid ugana tagaa” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inuu halkaas kasii wadi doono shaqadii uu haayay Wasiir Geelle.
“Aad ayuu mahadsan yahay Wasiir Geelle oo aan maanta shaqadda kala wareegayo waxaana balan-qaadaa in Howsha aan meesheedii kasii wado aniga oo latashanaya asiga iyo Shaqaalaha kale ee Wasaaradda”.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda ayaa Geelle ku bogaadiyey shaqadda uu qabtay mudadii uu joogay, isaga oo Wasiirka cusubna sheegay in sababta loo soo xushay ay tahay in aqoon uu u leeyahay Warfaafinta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Geneva kaga qayb galay shir muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo tababar muhiim ah soo xiray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...