Dhahar oo caawa u gudbTay wareegga labaad ee tartanka Cilmiyeedka Bisha Ramadan

Date:

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa saddexaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Xamarweyne iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sanaag, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Xamarweyne Vs Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Xamar weyne

Tartameyaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeenย laboย suโ€™aal, iyagoo iska qaldayย shanย suโ€™aal, mana jirin wax ka faaโ€™iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar weyne ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay ka jawaabeenย saddexย suโ€™aal, iyagoo iska qaldayย afarย suโ€™aal, waxa ay ka faaโ€™iideysteenย halย suโ€™aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Xamar weyne, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 3aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 4aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Dharkeynleey iyo Kaaraan oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...