Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo guddoomiyay Shirka horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale

Date:

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa shir guddoomiyey shirka kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka oo Sadexdii biloodba mar lagu qabto magaalada muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga Wada hadlay intii uu socday Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, Dhegaysiga Warbixinada Wax yaabahii Qabsoomay & Sidii loo dardar galin lahaa Dhismaha Mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka ee qabyada ah.

Wasaarada Qorshaynta, Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqalaha ayaa Soo bandhigtay warbixin heerka uu marayo Diyaarinta iyo Qorista QHQ9aad ee dalku uu yeelanayo 2020-2024.

Waxaa shirkan ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adaah kaladuwan ee Dowladda Soomaaliya,sida wasiiro,agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo madaxa kale oo caalami ah kuwaasi oo qeyb ka ah shirkan sedx bilood laha ah ee inta badan looga hadlo horumarinta mashaariicda Kaabayaasha Dhaqaalaha ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...