Wartanabadda oo u gudubtay Wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan

Date:

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa labaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Jilib iyo Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo eeย Jilibย Vsย Warta Nabaddaย ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Guddiga tartanka ayaa ku guuleystay xalinta cabasho ay qabeen tartamayaasha Degmada Warta Nabadda sida uu qabo sharciga u degsan tartanka, waxaana labo dhibcood dib looga soo celiyay tartamayaasha degmada Jilib.

Jilib

Tartameyaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay ma jirin hal suโ€™aal oo ay ka jawabeen, balse waxa ay ka faaโ€™iideysteenย laboย suโ€™aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Warta Nabadda sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jilib ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Warta Nabadda

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay ka jawaabeenย laboย suโ€™aal, iyagoo iska qaldayย shansuโ€™aal, waxa ay ka faaโ€™iideysteenย halย suโ€™aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Jilib, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warta Nabadda waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 2aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 3aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Xamarweyne iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sanaag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul wasaaraha XFS iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Laascaanood

Raโ€™iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo...

Laascaanood oo si weyn looga dareemayo soo dhowaynta Raโ€iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya

Qaban qaabadda soo dhowaynta Raโ€iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ciidamada Xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanadguurada 65-aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...