Beijing (SNTV)-Wasiirka Qorsheynta, Maal-geshiga iyo Hurumarinta Dhaqaalaha Dawladda Federalka Soomaaliya, Jamal Maxamed Xasan ayaa sheegay in fursado badan oo maalgashi ah uu ka jiro dalka, lana maalgeshan karo, ayna soo dhaweynayaan shirkadaha iyo dawladaha danaynaya ka wada faโideysiga fursadahaa.
Wasiirka ayaa iigu waramay maalagada Caasimada ah ee Beijing kadib markii uu ka qayb-galay shirkii โIskaashiga Caalamiga ahaa ee dhanka Kaabayaasha Dhaqaalaha..BRF,kaasi oo qabsomay 25-27 bishi April, waxaana shirkaasi ka qayb-galay 38 dal, ururo caalami ah iyo ka qayb galayaan 5000 gaaraya.
Wuxuu ii sheegay in wafdi uu isaga hogaaminayo, uuna ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta Jubbaland iyo Wafdi kale oo uu hogaaminayey Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha, Maxamed Cabdi Xayir Maareye ay ka qayb-galeen shirka, ayna dhinaca ganacsiga iyo siyaassada ku kala metalayeen.
Waxaan wasiirka weydiiyey sida ay Soomaaliya uga faaโideysan karto โMashaariicda Shiinaha ee loo yaqaan โBelt & Road Initiativesโ oo ah barnamij dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha la xiriira sida waddooyin, buun-dooyin, khadad tareen iyo koronta dhalin oo dalal badan oo adduunka ah ka faaโideysteen kuwaasi kuwa deriska nala ahi ku jiraan.
โWadamada halkan joogay oo dhan waxa ay ahaayeen waddamo dayn ka qaata China, anagu deyn ma qaadano, mana qaadan karno oo waxa aan ku jirnaa hawshii deyn cafiska, tii hore ayaa nalagu leeyahayโ ayuu wasiirka iigu jawaabay.
Balse Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in wixii kale oo iskaashi ah oo aan deyn ahayn ay labada dawladood, Shiinaha iyo Soomaaliya ka wada shaqayn karaan, ayna diyaar u yihiin, waxana ay dhinacyadaasi noqon karaan kalluumaysiga, iyo beeraha maadaama aan dhul weyn leenahay.
Dhanka kale, Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Qorsheynta ayaa kullan la qaatay madaxa hayโadda Iskaashiga Caalamiga ee Shiinaha, Tian Lin, waxana ay ka wada hadleen fulinta iyo halka ay marayaan mashariic ay hore uga soo gudbiyeen hayโaddaas,kuwaa oo ay ku jireen kuwa kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Tian Lin,Head of China Intel. Development Cooperation Agency(CIDCA), April 22,2019(Mohamed Osman/ SONNA)
Mr. Jamaal ayaa sheegay in hayโadu ay weli mashaariicdu daraasad ku wado, kadibna ay hawshaa waxa ay ka qaban karaan, ka qaban doonaan.
By: Maxamed Cisman Cabdi โBlack Cobraโ
E-mail: Cobrasonna@gmail.com
Beijing-China