Madaxweyne Farmaajo oo farriin u diray Ardayda Dugsiyada Dhexe iyo Sare

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa boggaadiyey sida ay kusoo dhammaadeen Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed ay yihiin rajada Dalka, sidaas darteedna ay muhiim tahay in dhiiri gelin iyo garab istaag mar walbo loo muujiyo.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dar-daarmay ardayda Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Dugsiyada sare ee dalka in ay dadaalaan, si ay uga gudbaan Marxaladaha muhiim ah ee Noloshooda, qeybna uga noqdaan Gacmaha dhisaya dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey ardayda Dugsiyada sare ee dalka inay guuleystaan, Natiijo fiicanna ay ka keenaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...