Wasiirka Cadaaladda XFS oo maanta furay tababar ku saabsan Hanaanka sharci Qorista

Date:

Tababarkaan oo socon doona labo maalin ayaa maanta waxaa ka furay magaalada Muqdisho Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji.

Wuxuu ku saabsan yahay habka qorista shuruucda iyadoo ay ka qayb galayaan xubno matalaya qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda sida Wasaaradda Arrimaha gudaha ,Amniga, Dastuurka sidoo kale Maxkamadaha iyo xafiiska xeer ilaalinta iyo sidoo kale Jaamacadaha qaar ayaa ka qayb galaya barnaamijkanlabada maalin ka soconaya magaalada Muqdisho.

Dr Xasan Jaamici oo dhawaan ka yimid Dalka Mareykanka ayaa ka mid ah qubarada dhanka sharciga ee bixinaya Tababarka mas,uuliyiinta wasaaradda cadaaladda ayaana sheegay in Barnaamijkaanu muhiimad weyn u leeyahay bahda garsoorka.

Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo tababarka furay ayaa faah faahiyay muhiimadiisa iyo qaabka uu u dhici doono.

“Tan iyo markii la ii magacaabay xilka wasiirka Cadaaladda waxaan dadaal dheer u galay sidii loo hormarin lahaa waaxda qorista Shuruucda oo ah waax muhiim ah tababarkaani qorshahaas ayuu qayb ka yahay waana naga go’antahay waxaan idinkula talinayaa inaad ka faa,iideysataan labada maalin ee uu socdo”ayuu yiri Wasiirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...