Soomaaliya oo Markale sheegtay inay taageersan tahay sharciyadda Falastiin ee samaysashada dowlad madax banaan

Date:

Cairo (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shir guddoomiyay kulanka gaarka ah ee Golaha Jaamacadda Carabta heer wasiir arrimo dibadeed oo ay codsatay Falastiin, laguna qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira, iyadoo uu ka soo qeybgalay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa shirkani oo qabsoomay shalay oo Axad ahayd (21 April) ka dhex sheegay in mowqifka Soomaaliya ee arrinta Falastiin ay fure u tahay deganaanshaha bariga dhexe, isagoo caddeeyay taageerrada Soomaaliya ee sharciyadda Falastiin iyo xaqqa Shacabka Falastiin ee ah inay samaystaan dowlad madax banaan oo ku taaggan xuduuddii 1967, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...