Madaxweyne Farmaajo “Ma ogolaanayno in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed lagu ciyaaro nolashooda iyo mustaqbalkooda”

Date:

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo boqollaal dadweynaha kula hadlay Xarunta Degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in wax laga xumaado uu yahay falkii foosha xumaa ee askari ka tirsan laamaha ammaanku uu ku dilay labo muwaadin oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa faray Hoggaanka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay si adag uga hortagaan falalkan arxan darrada ah ee lagu wiiqayo magaca iyo maamuuska laamaha ammaanka, loogana gol leeyahay in hoos loogu dhigo kalsoonida iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa shacabka Soomaaliyeed.

“Ma ogolaanayno in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed lagu ciyaaro nolashooda iyo mustaqbalkooda, waqti inta uu naga lumi karo waa naga lumay. Waxaan ballan qaadaynaa in aan ka shaqeyno sida uu dalkeennu ula tartami lahaa caalamka, taasina waxa ay ku suurta galaysaa inshaa Allah taageeradiinna.”

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu si adag u dhaliilay rabshadaha iyo dibad-baxyada colaadeysan ee ay sameeyeen qaar ka mid ah dadkii isu soo baxay, kaddib falkii arxan darrada ahaa ee dhacay, isagoona sheegay in shacabka ay ka digtoonaadaan kuwa fowdada abuuraya ee burburinaya hantida dadweynaha.

Madaxweynaha oo adkeeyey dadaalka ay Dowladdu ku bixinayso ilaalinta hantida, nafta iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay dhammaan Muwaadiniinta in ay ilaashadaan miro dhalka Dowladnimo, kuna waano qaataan dhibkii iyo rafaadkii aynu soo marnay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen labadii Marxuum ee kala ahaa Maxamed Deeq Cabdulqaadir Cabdullaahi iyo Maxamed Sheekh Cali, waxa uuna ballan qaaday in askarigii dilkaas gaystay uusan heli doonin gabbaad, caddaaladda la horkeeni doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo...

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo Cape Town Kula Kulmay wasiirrada dhiggiisa ah

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidamada XDS oo 6 Khawaarij ah ku dilay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka...