Soomaaliya oo heshiis taageero farsamo la saxiixatay UPU

Date:

Muqdisho (SNTV):– Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa heshiis kaalmo farsamo la saxiixatay Ururka Boostada Adduunka (UPU), kaas oo dalkeena looga caawin doono qaabka ugu habboon ee dib loogu soo nooleyn karo adeegga boostada.

Heshiiskaas oo ay labada dhinac u kala saxiixeen Wasiirka Boostada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen, waxaa goobjoog ka ahaa madax ka kala socotay labada dhinac oo uu ka mid yahay wasiiru-dawlaha Wasaaradda.

Mashruucan oo la rajeynayo inuu hordhac u noqdo barnaamijyo kala duwan oo ay UPU ka fulin doonto Soomaaliya, wuxuu qiimihiisu koowaad noqon doonaa 60kun oo doolar oo loogu talo galay helitaanka khubaro ka socota UPU oo qiimeyn ku sameysa baahida jirta iyo qorshaha wax looga qaban karo, dajinta siyaasadaha lagu hagi doono adeegga boostada, tababarka kaadirkii ka shaqeyn lahaa boostada iyo helitaanka barnaamijyada teknolojiadeed ee lagu shaqeeyo si loo billaabo adeegyada aasaasiga ah ee boostada.

Danjire Bishaar oo ka hadlay munaasabadda saxiixa ayaa sheegay in mashruucan uu la mid yahay ‘dhibic ku dhacday badweyn’ marka loo eego baahida ballaaran ee ay qabto boostada Soomaaliya, hase yeeshee taageeradan ay tahay mid go’an oo la siiyo dalalka soo koraya, balse uu rajeynayo inay xigi doonaan kaalmooyin kale. Wuxuu ballanqaaday inuu u qareemi doono, kana codsan doono xubnaha UPU in Soomaaliya la garab istaago xilligan adag. Mar uu ka hadlayay fursadaha ay haysato Soomaaliya, wuxuu sheegay in dalku leeyahay mustaqbal wanaagsan marka la eego sida Soomaalidu u leeyihiin karti ay ganacsi ku hal-abuuraan.

“Maadaama aad wax walba meel eber ah ka soo billaabeysaan waxaad haysataan fursad aad ka billaabi kartaan meesha ay mareyso boostada adduunka maanta oo adeegsataan farsamada casriga ah. UPU waxay diyaar u tahay inay idinka caawiso sidii aad himiladaas u gaari lahaydeen,” ayuu yiri Bishaar oo sheegay in ka Soomaali ahaan uu dareemayo inay saaran tahay mas’uuliyad gooni ah oo ah inuu wax la qabto Soomaaliya.

Wasiir Cabdi Cashuur ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay Danjire Bishaar iyo madaxda waaxyaha kala duwan ee UPU sida degdegta leh ee ay uga jawaabeen baaqii Soomaaliya.

“Mashruucan waa tallaabo wanaagsan, laakiin anaga waxaa wax kasta nooga qiimo badan soo-dhoweyntii diirraneyd ee aan la kulannay UPU,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray. “Taageerada farsamo ee nala siiyay waxay naga caawineysaa sidii aan ku dhisi lahayn aasaaska boosto la jaan-qaadi karta meesha ay boostadu maanta mareyso,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...