Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo ku qabatay Muqdisho shira isdhexgalka Qurbajoogta iyo Gudajoogta

Date:

Muqdishi (SNTV): –  Waxaa shalay ku qabsoomay Muqdisho Shirka isdhexgalka Qurbajoogta iyo Gudajoogta si loo xoojiyo aragti mideysan oo laga yeesho horumarka Soomaaliya, iyadoo shirku goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), tiro wasiirro ah iyo xubno kale oo kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Shirka waxaa soo qaban-qaabisay Waaxda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyadoo kaashanaysa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), taasi oo ka qeyb ah dadaalka lagu bixinayo dhiirrigelinta qurbajoogta Soomaaliyeed si ay u maalgeshtaan dalka, iyadoo tanina ay ka qeybqaadanayso kobaca dhaqaale iyo abuuridda fursado shaqo oo cusub.

Shirka oo ay ka qeybgaleen tiro badan oo Qurbajoog Soomaaliyeed iyo muwaadiniin daljoog ah ayaa looga dooday habka loo xoojin karo yididiilada Soomaalida ee nabadda, midnimada iyo horumarka dalka. qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha ayaa waxa ay ammaaneen muwadiniinta dal joogta ah sababo ku aaddan adkeysigooda iyo u sabridooda dhibaatooyinka.

Khudbad uu Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ka jeediyay shirka ayuu ku baaqay in la dardargeliyo dhiirrigelinta qurbajoogta Soomaaliyeed si dalka dib ugu soo noqdaan, ugana qeyb qaataan nabad dhisidda iyo dib u dhiska Soomaaliya oo ka soo kabanaya muddo laba xilli oo dagaallo ah, isagoo sheegay in dalku si sugan oo lagu kalsoonyahay horusocod u samaynayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...