Soomaaliya oo weydiisatay Midowga Boostada Adduunka (UPU) in laga qaado xayiraadda

Date:

Bern, Switzerland (SNTV):– Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa ka codsaday Midowga Boostada Adduunka (UPU) in ay Soomaaliya ka qaadaan xayiraadda saaran sanadaha badan si dalkeenu uga faa’iideysto horumarka adduunku ka gaaray isgaarsiinta boostada.

Wasiirka oo ka hadlayay shirka Guddiga Maamulka ee UPU ayaa sheegay in adeegyada boostadu ay horumariyaan dhaqaalaha dal kasta maadaama ay yihiin kaabayaashii adeegyada ganacsiga kala gudbin lahaa, isla markaana lagu abuuri karo shaqooyin badan oo ay dhallinyaradu ka faa’iideysan karaan.

Wasiirka oo sharraxayay qorshaha ay Wasaaraddu u dajisay soo-nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono dajinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa boostada dalka, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Wasiir Cashuur ayaa uga mahadceliyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaa oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo, inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay inaan dalka dibeddiisa wax u dirno “Waxa aan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan u mahadceliyo Danjire Bishaar Xuseen oo si gaar ah noola duubtay oo la’aantiis aysan waxyaabo badan noo suurtogaleen.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ka codsaday dalalka xubnaha ka ah UPU in Soomaaliya laga taageero sidii dib loogu dhisi lahaa boostada dalka oo aasaas u ah horumarka dhaqaalaha iyo gacansiga caasriga ah.

Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar Xuseen, ayaa sheegay in UPU ay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo oo Soomaaliya u fududeyn kara in ay dib ugu soo noqoto inay xubin buuxda ka noqoto UPU, isaga oo xusay in uu soo dhoweynayo tallaabooyinka ay qaadday Wasaaradda sanadihii ugu dambeeyay iyo sida ay hoggaanka sare ee Wasaarrada uga go’an tahay in ay soo nooleeyaan adeegyadii boosto oo casri ah.

Wasiirka oo uu safarkiisa ku wehliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur ayaa inta ay joogaan dalka Switzerland la kulmi doonaan dalal kala duwan oo gacan ka geysan kara qorshaha Wasaaradda ee arrimaha boostada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...