Xoghayaha aminga ee mamuulka Trump oo xilkii iska casishay

Date:

Xoghayaha  amniga gudaha Maraykanka Kirstjen Nielsen oo mas’uul ka ahayd qorshaha lagu dhisayay darbiga soohdinta Mexico ayaa  xilkii iska casishay xilkii,haweenaydan ayaa ku tilmaamtay “Sharaf” in ay ka soo shaqaysay wasaaraddan.

Trump oo markiiba bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa sheegay in xilka ay banaysay haweeneydan uu buuxiin doono agaasimaha Laanta Canshuuraha iyo Illaalinta xudduudaha Kevin McAleenan.

Waxa ay  Kirstjen Nielsen mas’uul ka ahayd hirgalinta qorshaha gidaarka lagu dhisayay  iyo ka  hortagida  dadka soogalootiga ah,gaar ahaan kala sooco carruurta iyo waalidkooda muhaajiriinta ah.

Ma aysan sheegin wax sabab ah oo ay xilka u banaysay, balse waxa ay sheegtay in ay tahay waqtigii ugu haboonaa ee an xilka ay ka dagi lahayd  marka la barbardhigo xaaladihii u soo biirtanka maamulka madaxweyne Trump.

Trump ayaa ku hanjabay in la xiri doono xudduuda Mexico, balse hadalkaas waa uu ka laabtay, wuxuuna sheegay in dowladda Mexico uu siin doono muddo sannad ah si ay u joojiyaan daroogada iyo muhaajiriinta ay soo gudbiyaan.

Waxa ay maaamulka Trump ku biirtay 2017-kii, xilligaas oo ay kaaliye u noqotay ninkii xilka kaga horeeyay John Kelly.

Markii uu Kelly noqday agaasimaha Aqalka Cad waxa ay u noqotay ku xigeen, hase yeeshee sannad kadib ayay madax ka noqotay wasaaradda.

Waxa ay aad u difaaci jirtay siyaasadaha arrimaha socdaalka ee Donald Trump, kuwaas oo aad loo dhaleeceeyay.

Bishii June 2018-kii ayay dad badan ku buuqeen mar ay tagtay maqaayad dad reer Mexico ay leeyihiin si ay raashiin uga cunto, waxa ay ka mid noqonaysaa dad badan oo iska casilay maamulka Trump.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...