War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Wasaaradaha Waxbarashada Heer Faderaal iyo Goboleed

Date:

SNTV:-Kulankii Afraad ee ay yeesheen Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada ayaa lagu qabtay Magaalada Baydhabo, intii u dhaxeysay 30ka Maarso ilaa 1da Abriil 2019. Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirada, Agaasimeyaasha guud iyo agaasime-waaxeedyada iyo farsamo yaqaannada wasaaradaha.

Shirku intuu socday waxaa lagu falanqeeyey arrimo badan oo muhiim ah, go’aamadii ka soo baxayna waa sida hoos ku xusan:-

  1. Imtixaanaadka

Xogta waxbarashada ee gobolada dalka, sida Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka, waxaa u xilsaaran Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada.

  1. T) Arday kasta oo imtixaanka shahaadiga ah ku galay gobolada, kana gudbay, waxa uu shahaadada dugsiga sare ka qaadanayaa Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedkiisa.
  2. J) Arday kasta oo gala imtixaanka dowladda kana gudba, wuxuu xaq u leeyhay helitaanka shahaadadiisa isaga oo aan lagu xireyn shuruudo kale.
  3. X) Waxaa la soo dhoweeyey go’aankii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee la xiriiray in aan Jaamacadaha dalka loo ogolaan arday aan wadan shahaadada dowladda.
  4. KH) Waxaa la go’aamiyay dhismaha iyo hawl-galinta guddiga imtixaanaadka qaranka hor sannadka 2020.
  5. D) Laga billaabo sannad dugsiyeedka 2019/2020, imtixaanka fasallada 8aad iyo 12aad ee shahaadiga ah waxaa qaadi doona shahaadadana bixin doona wasaaradda federaalka iyo wasaaradaha heer dowlad goboleed oo kaliya.
  6. Horumarinta macallinka

Siyaasadda iyo habraaca maamulka iyo tababarka macallinka waxaa masuul ka ah wasaaradda waxbarashada iyada oo la tashanaysa wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada iyo daneeyeyaasha waxbarashada. Waxaa la isla qaatay in laqaado talaabooyin lagu tobabarayo macalimiinta iyo tayayntooda.

  1. T) Jaangoynta mushaarka macallinka Soomaaliyeed waxaa lagu go’aamin doonaa kulan ay yeelan doonaan wasiirada waxbarashada ee heer federaal & heer dowlad goboleed.
  2. J) Arimaha la xiriira macallimiinta waxaa masuuliyada iska leh wasaaradaha heer dowlad goboleed, halka doorka wasaaradda federaalku uu noqonayo daba gal iyo hubin.
  3. X) Shirku waxa uu soo jeediyey in baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ka shaqeeyaan nidaam canshuureed oo lagu taageerayo waxbarashada.
  4. Mashaariicda waxbarashada

Waxaa la isku raacay in mashaariicda waxbarasho ee ay bixiyaan qaaraan bixiyayaasha taageera Soomaaliya in lasoo marsiiyo wasaaradda waxbarashada federaalka loona qorsheeyo si cadaalad ah oo ku salaysan baahiyaha kala duwan ee dalka iyada oo la tashanaysa wasaaradaha dowlad goboleedyada si waafaqsan qodobka 8aad ee isfahamkii la galay September 19, 2016.

  1. T) Wasiirada waxbarashada heer federal iyo heer dowlad goboleed waxa ay isu raaceen in mashaariicda waxbarasho ee dalka aan lagu salayn doonin nidaamkii 3da qaybood ee Somaliland, Puntland iyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...