Sabiid,Janno adduun oo argagixisadu ba’sadeen

Date:

Sawirkani waa qeyb ka mid ah deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellada hoose ee shalay laga xoreeyay argagixisada Alshabaab.

Waa deegaan dhul beereed ah oo laga helo nooc kasta oo khudaar ah. Quruxdiisu waxay qaadeysaa qalbiga iyo indhaha. Waa deeg xilliyada oo dhan, waxaana laga helaa biyo iyo baad aan kala go’ lahayn.

Waa Jiho dalxiis oo dabiici ah, kana sidata meelo badan oo dunida ah.

Nasiib darro waxaa ba’saday oo go’doomiyay argagixiso nolosho aan waxba ka ogeyn, kuwaas oo leh hal ujeeddo,In ay dunidan u rogaan meel ololeysa oo geerida iyo murugadu ku badan tahay.

Waxaa aad u ayaan daran kuwa Sabiid iyo goobaha la midka ah ee lagu tilmaami karo jannooyinka dunida dul saaran, u rogaya meel laga soo abaabulo geerida iyo qaraxyada.

Marka aad muuqaalka Sabiid aragto, waxaa kugu soo dhaceysa farxad, nabad, dalxiis, wada noolaasho, naxariis iyo ku fikiridda nimcooyinka eebbe nagu galladay.

Laakiin nasiib darro, Alshabaab waxaa ku soo dhacay oo kaliya in ay halkan u adeegsdaan farsamada qaraxyada ay ku gooyaan nolosha kumannaan Soomaali ah.
Shalay markii ay Ciidanka Xoogga Dalku deegaanka Sabiid ka xoreeyeen Alshabaab, waxay gacanta ku dhigeen booyad weyn oo laga buuxiyay walxaha qarxa, kuna jirtay marxaladdii ugu dambeysay ee diyaarinta.

Waxay doonayeen in ay Muqdisho ama meel kale oo dad badani ku nool yihiin ka geysatan qarax weyn ayna ku dilaan dadka ugu badan ee suurto gal ah.

Halkaas waxay ciidammadu ku soo qabteen dhallinyaro u dagaallamayay Alshabaab oo inkastoo ay doog dhex joogaan duruuf adagi ka muuqato. Waxay ka arradan yihiin maskaxdooda oo ay ugu shaqeeyaan kuwo aysan garaneyn oo meel fog ka haga kuna huriya dabka.

Haddii ay dhallinyaradani heli lahaayeen tusaalooyin wanaagsan ama fursad ay wax ku bartaan, waxay garan lahaayeen macnaha nolosha iyo in eebbe aadanaha u soo saaray in uu dhulka cammiro ee uusan gubin. waxay dareemi lahaayeen in gafaneyaasha Alshabaab hoggaamiya ay garaadkooda iyo garasdooda yaseen, kuna qosleen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...