Horjoogihii Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Waardiyihiisii gaarka ahaa oo isku soo dhiibay Ciidanka Xooga dalka

Date:

Muqdisho (SNTV):- Horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab iyo Waardiyihiisii gaarka ahaa ayaa isu soo dhiibay Ciidammada Xoogga Dalka soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoober ee ka howl-gasha gobolka Shabeellada hoose.

Ibraahim Maxamed Bitow, oo ahaa horjoogihii maleeshiyada Alshabaab ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu ka soo tago Alshabaab, ka dib markii uu garowsaday inay gaar marsan yihiin Xaqa iyo Islaamnimada ayna xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed.

Bitow ayaa sheegay in dagaallo badan oo ay isagau hor yimaadeen Ciidanka xoogga dalka, ay kooxdu kala kulantay jab aad u xooggan, taas oo keentay in ay u adkeysan waayaan dagaalka oo ay kaymaha ku dhuumaaleystaan.

“Waxaan hoggaaminayay maleeshiyaad tiraradoodku ka badan tahay 100, oo dagaallo badan la galay ciidanka Dowladda, waxaana naloo geystay jab aad u xooggan” ayuu yiri Ibraahim Maxamed Bittow, horjoogihii maleeshiyada Alshabaab ee gobolka Shabellada Hoose.

Bitow oo sheegay in uu ka tirsanaa Alshabaab 9-kii sano ee la soo dhaafay ayaa tilmaamay in kooxdu sii liiceyso, ayna la kulmeyso guul darrooyin is daba joog ah.

Horjoogahan ka soo goostay Alshabaab, ayaa dowladda Soomaaliyeed uga mahad celiyay soo dhoweynta wanaagsan, waxa uuna ugu baaqay dhallinyarada u dagaallanta kooxda Shabaab in ay ka soo tagaan maleeshiyadan oo uu sheegay in ay baal marsan tahay Islaamnimada.

Bitow ayaa cafis weydiistay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna codsaday in lagu garab siiyo sidii uu qeyb uga noqon lahaa la dagaallanka Al-Shabaab oo uu tilmaamay in ay yihiin cadow naxariis daran.

“Waxaan dowladda ka codsanayaa inay ii kaashato la dagaallanka Al-Shabaab, oo aan si fiican u isu naqaan, si dhibkooda ummadda looga dulqaado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ibraahim Maxamed oo ahaa horjoogihii maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhinaca kale Aadan Geeddi oo loo yaqaanno Aadan Dheere oo ahaa darawalka  Ibraahim Bitow, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay duufsadeen isagoo 11 jir ah, ayna ka faa’iideysteen carruurnimadiisa.

Aadan ayaa sheegay in hadda oo garaadkiisu ku filnaaday ay u cuntami weysay in uu ka sii mid ahaado kooxdan oo uu sheegay in ay dhib badan ku hayso shacabka, ayna diinta ka saareyso ciddii aan iyada la dhacsaneyn.

Ibraaahim Maxamed iyo  Aadan Dheere, ayaa tilmaamay in ay jiraan boqollaal maleeshiyada Al-Shabaab ah oo ay ka go’an tahay in ay isaga soo tagaan kooxdan argagixisada, waxa ayna dowladda ugu baaqeen in ay dhallinyaradaas ku caawiso sidii ay isu soo dhiibi lahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...