Golaha Wasiirrada oo Shir Ka Yeeshay Adkaynta Amniga Dalka

Date:

Sabti, Maarso 30, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Guddoomiyay shir aan Caadi ahayn oo golaha wasiirradu ka yeesheen amniga dalka, gaar ahaan sugidda amniga caasimadda.

Goloha wasiirrada ayaa shirka aad ugu falanqeeyay xaaladda amni ee dalka, waxaana warbixin looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo difaaca oo golaha xog dheeraad ah ka siiyay warbixinnadii ugu dambeeyay iyo qorshayaasha la doonayo in cadawga looga saaro deegaannada ay dalka uga dhuumaalaysanayaan si ummadda Soomaaliyeed looga bad-baadiyo dhagaraha ay argagaxisadu maleegayso.

Golaha ayaa isku raacay in ay si aad ah loo adkeeyo amniga caasimadda, lana dardar geliyo fulinta qorshaha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah ee caadaysay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...