Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Date:

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad wada-shaqeyn oo ku saabsan horumarinta warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska dalka.

Heshiiskan iskaashi waxaa dhinaca Wasaaradda u saxiixay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, halka Jaamacadda Muqdisho uu u saxiixay Guddoomiyaha Jaamacadda, Dr. Ibrahim Mohamed Mursal.

Munaasabadda saxiixa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, iyo guddiyo matalayay labada dhinac oo si wadajir ah uga shaqeeyay diyaarinta heshiiskan is-afgaradka ah.

Ujeeddada iskaashigan waa in la xoojiyo cilmi-wadaagga, tababarrada xirfadeed, iyo horumarinta aqoonta la xiriirta warbaahinta, suugaanta dhaqanka, iyo kobcinta dalxiiska, si loo taageero himilooyinka horumarineed ee dowladda iyo kor u qaadista tayada warbaahinta Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...