Ciidanka Qaranka oo ka hortegay weerar naf la caari ah oo khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga Moqokori

Date:

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa ka hortegay weerar naf la caari ah oo Khawaarijtu ay maanta ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Dagaal culus ayaa weli ka socda aagga deegaanka Gumare, saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay jebiyeen Khawaarijta, oo firxadkooda ay sii baacsanayaan.

Khasaare culus oo dagaalka weli socda lagu gaarsiiyey Khawaarijta ayaa jira, meydadka maleeshiyaad lasoo qalday ee argagixisada ayaa daadsan goobaha dagaalka, waxaana socda tira koobka baqtiga Khawaarijta.

Wixii ka soo kordha howlgalka oo weli socda kala soco Warbaahinta Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...