Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV) Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaaalka Soomaaliya oo maanta ka tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Mudane Axmed Xasan Yuusuf, waxana safarka ku weheliya madax kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashadda, waxana garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay wasiirka waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Cismaan  Malaaq (kool kooliyow) iyo xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnahan ka socda wasaaradda waxbarashadda ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb gali doona shir wadatashi ah oo u dhexeeya wasaaradda waxbarashadda iyo wasaaraddaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka.

Shirka ayaa socon doono muddo saddex maalmood ah shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maalinta beri ah gaari doona magaalada Baydhabo si uga qeyb galo shirka u dhexeeya wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa maamulada ka jira dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...