Howlgal Amniga lagu xaqiijinayey oo laga sameeyey wadada xiriirisa Muqdisho iyo Walaweyn

Date:

Walaweyn (SNTV) Howlgalkaan oo lagu xaqiijinayay Amniga Wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Walaweyne ee Gobalka Sh/hoose ayaa Ciidamada komaandooska ee Xoogga dalka waxa ay ku guuleysteen iney fashiliyaan miinooyin ay dhagar qabayaasha Argagixisada Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee Isticmaala Wadadaasi.

Ciidanka ayaa la arkayey iyaga oo wada howlgalka miinada looga saarayey wadada, waxaana hogaaminayey Gaashaanle C/raxmaan Cumar Jeeniqaar taliyaha Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka.

Alshabaab ayaa mar waliba isku daya falal ay ugu talagaleen iney ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, hase yeeshee ciidanka amniga dalka ayaa ka hortaagan iney fuliyaan falalkooda guracan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...