Duqa Muqdisho oo la dardaarmay Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar

Date:

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Munishiibiyo), isagoo kula dardaarmay in la dardargeliyo isla-xisaabtanka, si kor loogu qaado dhakhliyada Dawladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Ciidanka Ilaalada Deegaanka looga fadhiyo sidii ay tallaabo uga qaadi lahaayeen dadka canshuuraha ku waajibay aan bixin, isla markaana loo baahan yahay in ganaaxyo adag la dul dhigo cid walba oo sharciga u hoggaansami wayda. Guddoomiyaha ayaa si adag ula dardaarmay in si adag wax looga qabto dadka wasaqda waddooyinka ku soo shuba, oo keena nadaafad darrada caasimada, sheegeyna in loo baahanyahay in sharciga lala tiigsado cid allaale iyo cidii ku xad-gudubta nidaamka.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay la dagaallanka Musuq maasuqa, cid walba oo ku xadgudubta hantida dadweynaha Soomaaliyeed tallaabo laga qaadi doono.

“Ciidanka Ilaalada Deegaanku waa muraayadii laga fiirinayay Gobolka Banaadir howlihiisa, waxaana la idin kaga fadhiyaa inaad u istaagtaan sidii kor loogu qaadi lahaa dhakhliyada kala duwan, tallaabana uga qaadi lahaydeen cid walba oo nadaafadda iyo bilicda Caasimadda wax u dhimaysa”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku sameeyey Waaxda Dhalashada iyo sugnaanta iyo Guddigga Khilaafaadka, isagoo ku booriyey in ay laba jibaaraan howlaha ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...