Duqa Muqdisho oo la dardaarmay Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Munishiibiyo), isagoo kula dardaarmay in la dardargeliyo isla-xisaabtanka, si kor loogu qaado dhakhliyada Dawladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Ciidanka Ilaalada Deegaanka looga fadhiyo sidii ay tallaabo uga qaadi lahaayeen dadka canshuuraha ku waajibay aan bixin, isla markaana loo baahan yahay in ganaaxyo adag la dul dhigo cid walba oo sharciga u hoggaansami wayda. Guddoomiyaha ayaa si adag ula dardaarmay in si adag wax looga qabto dadka wasaqda waddooyinka ku soo shuba, oo keena nadaafad darrada caasimada, sheegeyna in loo baahanyahay in sharciga lala tiigsado cid allaale iyo cidii ku xad-gudubta nidaamka.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Maamulkiisa ay ka goโ€™an tahay la dagaallanka Musuq maasuqa, cid walba oo ku xadgudubta hantida dadweynaha Soomaaliyeed tallaabo laga qaadi doono.

โ€œCiidanka Ilaalada Deegaanku waa muraayadii laga fiirinayay Gobolka Banaadir howlihiisa, waxaana la idin kaga fadhiyaa inaad u istaagtaan sidii kor loogu qaadi lahaa dhakhliyada kala duwan, tallaabana uga qaadi lahaydeen cid walba oo nadaafadda iyo bilicda Caasimadda wax u dhimaysaโ€

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku sameeyey Waaxda Dhalashada iyo sugnaanta iyo Guddigga Khilaafaadka, isagoo ku booriyey in ay laba jibaaraan howlaha ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...