Ra’iisul Wasaare Khayre Oo U Tacsiyeeyay Dadkii Soomaaliyeed Ee Ku Shahiiday Weerarkii Argagaxiso Ee Maanta

Date:

Muqdisho (SNTV): –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ku shahiiday weerarkii argagaxiso ee kooxda Arxan-laawayaasha, dad qalatada ah ay ku doonayeen in ay ku dhibaateen umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku shahiiday weearka argagaxiso waxa uu ugu duceeyay in Allaha uu jannadii geeyo eheledii iyo asaxaabtiib ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku shahiiday, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalaka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ilaa laga tirtirayo jiritaankooda si ummadda Soomaaliyeed ay ugu noolaato nabad buuxda

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...