Soomaaliya oo ka qeyb galaysa shir looga hadlayo tacaddiyada loo geysto Haweenka oo ka socda New York

Date:

New York-(SNTV)-Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shir Caalami ah oo ka socdo Xarunta Qaramada midoobay ee Magalada New York.

Shirkan oo looga hadlayo arrimaha Haweenka Adduunka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa doorka hogamineed ee Haween weynaha Caalamka, ayaa waxaa uu socon doonaa muddo Saddex Cisho ah, waxaana Soomaliya u matalaya Senetor, Muno Cumar Xasan iyo Sen ,Hodan Muxamuud Cusmaan.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa lagu gorfeyn doonaa sida ugu habboon ee loogu gaashaaman karo tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Caalamka iyo sidii wax loogu qaban lahaa kuwa loo geysta gabbood fallada kala duwan ee ay Bulshada dhexdeeda kala kulmaan Dumarka.

Waa markii ugu horreysay oo shir noocan oo kale ah ay Soomaaliya ka qayb gasho, waxana lagu wadaa in ay Xildhibaannada Aqalka sare ee kulankn ku sugan ay soo bandhigaan tacaddiyada loo geysto Haweenka Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo muddo ku dhow Soddon Sano ay jiraan dagaallo sokeeye iyo Colaado ayaa ka mid meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan tacaddiyada loo geysto Haweenka, sida Kufsiga, dilalka, Gudniinka fircooniga IWM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...