Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya , Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta dib  ugu soo laabtay Muqdisho, markii ay horraantii Todobaadkan socdaal shaqo ku tageen Magaalada Kismaayo.

Mudane; Kheyre iyo wafdigiisa ayaa intii ay joogeen Kismaayo waxay kulammo kala duwan lasoo qaateen mas’uuliyiinta ugu sarreeysa maamulka Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kulammadii dhex maray Labada dhinac ayaa lagu soo dhammeeyay mad-madoowgii iyo kala aragti duwanaanshihii ka dhex jiray madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland, socdaalkaas oo kusoo dhammaaday guul iyo is Af-garad.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda dunida oo cambaareeyay isku day dil oo lala beegsaday Donald Trump

Hoggaamiyayaasha dunida ayaa taageero u muujiyay madaxweynihii hore ee...

Xeer Ilaaliyaha Qaranka: “Waa in si deg deg ah warbixin looga keenaa wixii ka dhacay xabsiga dhexe”

-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud...

Tababar Muqdisho uga furmay madaxda qeybaha iyo hawlwadeenada Warbaahinta Qaranka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dowladda...

Xildhibaanada golaha shacabka BJFS oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...