Nairobi-(SNTV)-Ciidanka difaaca Kenya ee KDF ayaa sheegay in ay dileen Saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab mid kalena ay nolosha ku qabteen, markii uu Labada dhinac dagaal ku dhex maray degaanka Buulo-Xaaji oo ka tirsan Gobolka Gedo.
Af-hayeen u hadlay Ciidanka difaaca Kenya oo lagu Magacaabo , Col; Paulย Njuguna, ayaa sheegay in ay sidoo kale dagaalkaasi ay ku qabsadeen Laba Qori oo AK47 ah, mid Diiradle ah, Saanad Ciidan iyo qalab kale.
Af-hayeenka Ciidanka Kenya, Col; Paulย Njuguna, ayaa Jariiradda Daily Nation u sheegay in ay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu soo celinayo nabad gelyada Soomaaliya.
Horraantii Bisha January ย ee Sanadkan ayay ahayd markii ay Ciidanka Difaaca Kenya ay dileen Todoba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, tira intaa ka badanna ay ku dhaawaceen markii ay howl-gal ka fuliyeen qeybo ka mid ah Koofurta Soomaaliya.