Ra’iisul Wasaare Khayre “Waa In Aan Leenahay Qorsha Shaqo Oo u Adeegaaya Dadka Oo Dhan”

Date:

Kismaayo (SNTV) –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kormeeeray xarumaha wasaaradaha Jubaland ee arrimahha gudaha, maaliyadda, Dalxiiska, kalluumaysiga, xanaanada xoolaha, Hawlaha Guud iyo Dastuurka, ayaa sheegay in yagleelidda qorsha shaqo oo dadka oo dhan u adeegaya uu muhiim u yahay mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed iyo wada shaqaynta dawladda federaalka iyo guud ahaan dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah.

Kormeerka oo ay Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyeen madaxwaynaha Jubaland, wasiirrada amniga iyo Kaluulaysiga XFS, taliyeyaasha ciidanka Booliiska iyo milateriga ayaa qorshihiisu ahaa u kuur gelidda shaqooyinka ka socda wasaaradaha, caqabadaha iyo baahiyaha ka jira.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay hadda in aan leenahay nidaan cusub oo lagu shaqeeyo, maadaama marka aan kulligeen hal dal wada nahay, dawlad nahay Soomaaliyeed, dad Soomaaliyeed u adeegno, horta waa inaan si waxa yar ee aan haysanno loogu bixiyo sida ugu habboon ugu hufan, dadkana loo gaarsiiyo waa in aan leennahay qorsha shoqo oo u adeegaaya dadka oo dhan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Maadaama dawladdu ay leedahay nidaam ay ku shaqayso aanna billaawnay dawlad gobaleedyada dhan in aan u drino wasiirro iyo hawl-wadeenno, waxa aan rabnaa in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirrada ila scoda iyo adinku aad keentaan qorshayaal wax ku ool ah si marka aan laabanno aan ula laabanno shaoqooyin aan qaban karno oo aan isku ognahay adinka iyo annaga”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa lix kamid ah wasaaradaha uu maanta kormeeray oo leh xaruma cusub oo ay ku shaqeeyaan waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu dhagax dhigay sannadkii 2017-kii, xilligaas oo Kismaayo lagu qabtay shirka golaha wasiirrada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...