Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV)-Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaaladda Muqdisho,waxaana kusoo dhoweeyay Wasiirka wasaaradda Difaaca iyo Abaanduullaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka, waxaana kulanka ka qeyb galay wasiirka gaashaandhigga iyo Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay diyaar u yihiin difaaca qaranka iyo gudashada waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in kan Wasaarad ahaan iyo Taliska ciidanka xoogga dalka ay wadaan diiwan gelinta Ciidanka xoogga dalka oo hadda meel gabogabo ah mareysa.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga dalka howlaha ay dadka iyo dalka u hayaan, wuxuuna sheegay in madaxda qaranka ay ku dadaali doonaan siddii ciidanka xooga dalka ay xuquuqdooda u heli lahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools championship 2023.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools...

IGAD oo Madaxweynihii hore ee Hirshabeele u magacawday Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Urur Goboleedka IGAD ayaa Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Mudane...

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

-Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte...

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...