Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil

Date:

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ย ayaa ka tacsiyeey ย geeridii Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo dhawaanย  ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Dalka isu taga imaaraadka Carabta, iyadoo ย aas qaran loogu sameeyay Magaaladda Muqdisho.

โ€œInnaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun, marxuumka rabi naxariistiisa haka waraabiyo,kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo ehelkii iyo qaraabadii iyo sidoo kale guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Allaha haka wada siiyo, anagana gadaashiisa Illaahey nama fidneeyoโ€ Ayuu yiri Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliiya ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee Wasiir Xoosh Jibriil uu kaalin wanaagsan kasoo qaatay Dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana dowr muuqda ku lahaa sidii Soomaaliya ay u yeelan laheyn dastuur ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

โ€œAllaha u naxriistee marxuumka waxa uu ahaa muwaadin ay quluubtiisa ku weyn tahayย  in dalkeenna uu horumar gaaro, islamarkaana aan gaarno horumar dowladnimo,isagoo inta uusan geeriyoon ka shaqeynayay howlaha dib u eegista iyo dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee dalkaโ€ ayuu hadalkiisa kusii daray Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha ha u naxriistee Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dhawaan Magaaladda Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday, waxaa ย Aas qaran loogu sameeyay Magaaladda Muqdisho maalinti shalay ee indhaftay waxa uu ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya,isagoo Sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...