Ciidamada Ammaanka oo hub kala duwan ka furtay Maleeshiyaadka Alshabaab

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ciidamada Amniga ayaa Ka furtay hub kala duwan kooxda Argagixisada al-Shabaab Ka dib hawlgal ay Ka fuliyeen Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Habeenimadii 09-kii bishaan Maarso ayay Ciidamadu weerar Ku qaadeen Xaafadda Hantiwadaag halkaas oo markiiba ay Ka carareen maleeshiyaadka Argagixisada Alshabaab.

Ciidamadu waxeey gacanta Ku dhigeen noocyo kala duwan oo hub ah kaas oo argagixisadu u isticmaalaysay waxyeelada dadka Soomaaliyeed sida SONNA ay xogtan ku heshay.

Cidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibbadooda Caalamka ayaa 7-dii bishan howgal qorsheysan ku dilay Afar hor-jooge oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaabย degaanka Gamboole ee Gobolka Shableellada Dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...