Xoghayaha Joogtada Ah ee Xafiiska R/Wasaaraha oo La Kulmay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Jubaland

Date:

Kismaayo (SNTV):-Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Axmednuur Maxamed Cabdi, ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka Jubaland.

Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta wada shaqaynta wasaaradaha Jubaland iyo wasaaradaha federaalka si loo fududeeyo loona daadejiyo howlaha dawladda ee lagu dhaqan geliyo halbeegyada tubaha qaranka.

Shirka ay yeesheen xoghaye Axmednuur iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka Jubaland ayaa sidoo kale aad loogu falanqeeyay isku tashiga, qorshaynta iyo curinta howlaha danta qaranku ku jirto ee loogu adeegayo ummadda Soomaaliyeed iyo in laga fogaado in lagu dhaqmo qorshooyin aan ka tarjumayn danta mawaadiniinta, ayna soo dejiyeen dad aan Soomaali ahayn.

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal barwaaqo ah, hadii la isku tashado oo si wadajir ah dadaal badan loo sameeyana laga baxayo faqriga iyo gaajada dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa billaawday in tubaha qaranka ee afarta ah ay u daadejiso heer dawlad gobaleed si ay u qaataan dawrkooda ku aadan dhaqan gelinta halbeegyada iyo howlaha tubaha, loogana dhabeeyo himilooyinka umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taallada SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxda Hay’adda SoDMA oo Nairobi uga qeybgaleen Kulan looga hadlayay arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday xarunta Safaaradda Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan...

Hay’adda dhowrista xogta dadweynaha oo heshiis la saxiixatay dhiggeeda Naigeria

Hay’adda Dhowrista Xogta dadwaynaha Soomaaliya (DPA) iyo Guddiga Ilaalinta...