Agaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku tagay Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV):- Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Kofi) oo uu wehliyo Ku xigeenkiisa Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa Safar shaqo ku tagay Magaaladaย  Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Agaasimaha ayaa waxaa Garoonka Shaati guduud kusoo dhoweeyay qaar kamid ah Wasiirada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Laanta 3-aad ee Heyโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud iyo ku-xigeenkiisa ayaa xarunta madaxtooyadaย  Koonfur Galbeed kulan kula qaatey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), waxaana laga kwada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Hayโ€™adda socdaalka Jinsiyaddaay ka heyso Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale xoojinta wadashaqeynta hayโ€™adda iyo maamulka.

Agaasimaha ayaa kormeer ku tagey qaar ka tirsan xaafiisyada Laanta 3-aad, wuxuuna warbixino ka dhageystay Saraakiisha Laanta, isagaย  oo ku dhiira geliyay in ay shaqadooda u gutaan si hufnaan iyo xilkasnimo ku jirto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...