Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran Ee Allaha U Naxariistee Wasiir Xoosh oo Diyaariyay Qorshaha Aaska

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Guddiga Qaban-qaabada aaska Qaran ee Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka war bixiyay kulamo ay yeesheen oo ay ugu arrinsanayeen diyaar garoowga keenidda Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh iyo aaska loogu samaynayo Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha dibedda xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Axmed Ciise Cawad, oo ka war bixiyay kulamada ay yeesheen guddigu oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, ahna guddoomiyaha guddiga Qaban-qaabada, ayaa sheegay in si wanaagsan ay u diyaariyeen aaska qaran ee loo samaynayo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa shalay magacaabay guddiga Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo ka kooban Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka.

Wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo shalay ay ku timid geeri naxdin leh ayaa dawladdu u qorshaysay in loo sameeyo aas Qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...