Howl-gal lagu dilay Hor-joogayaal Al-Shabaab ahaa oo ka dhacay Gobolka Shableellada Dhexe.

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Ciidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibbadooda Caalamka ayaa dilay Afar hor-jooge oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, markii ay howl-gal wada jir ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolka Shableellada Dhexe.

Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu bar-tilmaameedsaday saldhig ay Malleeshiyada Al-Shabaab ku lahayd degaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo ay kasoo abaabuli jireen qaraxyada lagu dhibaateeyo Dadka Shacabka ah.

Weerarkan ay sida wada jirka ah u fuliyeen Ciidamada ammaanka iyo saaxiibbada Caalamka saqdii dhexe habeenimadii 7-da Bishan Maarso ayayna jirin wax qasaara ah oo kasoo gaaray Dadka degaanka ku dhaqan, wuxuuna howl-galkaasi kusoo dhammaaday si guul ah.

Ciidamada amniga Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka go’an in ay sii wadaan howl-gallada qorshaysan ee  lagu Dhabar-jebinayo Argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...