Boliiska Kenya oo Gacanta ku dhigay xarun lagu tababari jiray Al-Shabaab

Date:

Nairobi-(SNTV)- Boliiska Degmada, Ngombeni, ayaa Jimcaha Maanta ah weerar ku qaaday Guri ku yaalla degaanka , Kwale, halkaas oo ay tababar ku qaadan jireen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Guriga ay baaritaanka ku sameeyeen Boliiska Kenya ayaa waxaa laga helay , waxyaabaha qarxa, Tuutaha Ciidamada, Mindiyo, Aaladaha lagu Feertamo, Sanaaddiiq ay ku jiraan Kitaabbo, qoraallo Diini ah iyo Calamada Madoow ee ay isticmaalaan, Daacish, Al-Shabaab iyo Boko Haram.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Kwale, Tom Odero, ayaa Jariiradda the Star u sheegay in ay goobtan ka mid ahayd meelaha wax lagu baro dhaq-dhaqaaqyada Argagixisada ah, wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah qoraallada lagu turjumay Afka Sawaaxiliga, ย si ay u aqristaan.

Mr; Odero , ayaa tusaale usoo qaatay mid ka mid ah qoraallada la tarjumay oo ahaa โ€˜tuko tayari kwa vitaโ€™, oo uu macnaheedu yahay โ€˜diyaar ayaan u nahay dagaal.โ€™ Taas oo u fududeynaysa in ay si sahlan u ย qaataan Afkaarta Xagjirnimadaโ€ ayuu yiri.

Boliiska la dagaallanka Agragixisada Dalka Kenya ayaa sheegay in aysan Cidina ku sugnayn xilligii uu howl-galku dhacayay, balse ay tuhunsan yihiin in ay wax yar un ka hor ka baxeen Guriga Kooxihii halkaa ku sugnaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale