Wasiirka Cadaaladda XFS oo faah faahiyay shir uu uga qeybgalay Tunisia

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kawar bixiyay Shirka wasiirada cadaaladda iyo arrimaha gudaha ee Jaamacadda Carabta oo lagu soo gabagabeeyay magaalada tuunis ee Dalkaasi Tunisia kaas oo Soomaaliya uu uga qaybgalay wafdi uu hogaaminayay wasiirka Cadaaladda.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka looga hadlay arrimo badan oo muhiim u ah amniga iyo cadaaladda dalalka Carabta, islamarkaana Soomaaliya uu sigaar ah muhiim ugu ahaa,iyadoo qodobadii lagu soo qaaday shirkaa la islagartay in lagawada shaqeeyo oo dalalku iska kaashadaan arrimaasi.

Mr Xasan ayaa sheegay kulamo la qaatay qaarka mid ah wasiiradii ka qaybgalay shirka islamarkaana uu kala hadlay in Soomaaliya lagataageero arrimo badan oo amniga iyo Cadaalada ay ka mid yihiin.

“Waxaa uu ahaa shir muhiim ah waxaa la islagartay in dhamaan qodobada lagahadlay wadajir looga wadashaqeeyo dhaqangalintooda, waxaan sidoo kale kulamo gaargaar ah la qaatay mas,uuliyiin badanoo ay ka mid yihiin Xoghayaha Jaamacadda Carabta, wasiirka arrimaha gudaha Sacuudiga, wasiirada cadaaladda dalalka Tunisia, Sacuudiga,Algeria iyo kuwa kale dhamaan waxaan kala hadlay sidii Soomaaliya looga taageer ilahaa dhinacyo badan” ayuuyiri Wasiirka Cadaaladda XFS

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...

Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...