Madaxweynaha JFS oo ku ammaanay hay’adaha kaalinta ka qatay u adeegida dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Khamiistii

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kullan la qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hayโ€™adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ah, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiirro.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay hayโ€™adahaas kaalintii ay ka gaysteen gargaarkii loo fidiyay dadkii birimageydada ahaa ee ay sida waxshinimada ah u laayeen argagixisada Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay dhammaan dadkii kasoo qeyb galay kulankan in ay muujiyaan isku duubni, ayna u istaago sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha nabad diidka ah iyaga oo wada shaqeyn buuxda la yeelanaya laamaha amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale