Marwada Koowaad ee Qaranka oo furtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV):-Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa daah-furtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Marwo Saynab oo xafladda furitaanka Shirweynaha khudbad ka jeedisey ayaa hambalyaysay qabanqaabada iyo qabsoomidda shirweynahan lagaga tashanayo aayaha iyo horumarka haweenka Soomaaliyeed.

Marwada ayaa ka tacsiyaysay dadkii Soomaaliyeed ee naftooda ku waayay qaraxyadii ay arxanlaawayaasha argagaxisada ah ee Alshabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, iyada oo sidoo kalena xustay tacaddigii loo geystay Caa’isha Ilyaas oo faraxumayn iyo dil la isugu daray, waxayna dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay u midoobaan sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa dadkii falkaas geystay.

Marwo Saynab ayaa ku dheeraatay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ka qaateen dib u soo kabashada dalka ka dib burburkii dowladda dhexe, waxayna xustay in haweenku qayb libaaxle ka soo qaateen badbaadada dad iyo dalka Soomaaliyeed, iyada oo bogaadisay dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraa horumarinta qoysaskooda iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.

Marwada Koowaad ee Qaranka ayaa ku baaqday in haweenku ay ku dadaalaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda si ay uga nabadgalaan tacaddiyada loo geysto, iyada oo bogaadisay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed kaga jiraan siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada.

Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa ugu danbayntii haweenka Soomaaliyeed kula dardaarantay inay ku dadaalaan talawadaagga, is-tusaalaynta iyo isu-tanaasulka si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan.

Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalmood ah socon doona ayaa lagu lafo-gurayaa arrimaha haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa shuruucda iyo siyaasadaha dhowraya xuquuqdooda kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...