Maamulka&Shaqaalah Wasaaradda Boostada XFS oo maanta ka qeybgalay Isxilqaan

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Iyadoo weli uu socdo barnaamijka isxilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud ayaa masโ€™uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda Boostada,Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay maanta ka qeybgaleen ololahaasi.

Kaltanka ayaa maaanta waxaa uu ahaa dib u dhiska xarunta Maktabdda Qaranka,halkaasi oo masโ€™uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda Boostada ay kaga qeybgaleen barnaamijk aisxilqaan,maamulka wasaaradda ayaa shaqaalaha ku ammaanay kaalintoodi ku aadan dib u dhiska xarumaha danta guud.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Boostad,Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/casiis Duwane Isxaaq ayaa warbaahinta Qaranka ugu waramay ololaha maanta ay ka qeybgaleen,isagoo xusay in ay tahay wejigii afaraad oo ay iga bilaabeen.

โ€œkaltankii afaraad ee Isxilqaan,kaltankii ugu horeeyey wasaaradda Boosatad a iyo ISgaarsiinta ayaa daah furtay,anaga ayaa maantana nalaku furay markii afaraad,waad u jeedaan shaqaalihii wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada waxaa ay wadaan shaqadii si dar dar leh,runtii ilaa iyo saaka sidii ay u soo galeen waxaad moodaa in shaqadii loo igmaday ay gebo gebo u mareyso,waxaana u mahadcelinaysaa dhamaan shaqaalaha oo ka qeyb qaadanaya barnaamijka isxilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud,anaga wasarada ahaan waxaan u diyaarsanahay in aan is abaabulno,waxaan aad ugui faraxsanahay in barnaamijkii isxilqaan uu meel fiican marayo,maanatan waxaan ka shaqeynaynaa Maktabada Qarankaโ€. Ayuu yiri agaasime C/casiis.

Barnaamijka Isxilqaan oo uu ku baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si habsami leh u socda,kaasi oo loogu talagalay in dib loogu dhiso xarumaha danta guud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale