R/wasaare Khayre oo tacsi u diray Ehelada dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’isulwasaare Xasan Cali Khayre oo Warbaahinta Qaranka kala hadlay Shacabka Soomaaliyeed kadib markii uusoo kormeeray isbitaallada iyo goobtii argigixisadu soo weerartay ayaa u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee bad baadiyey dadkii argigixisadu guryagooda ku qabsatay.

Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale u mahad celiyey dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha badbaadiyey dhaawacyada, sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqay walaalahood dhibaatadu soo gaartay.

Dhinaca kale Ra’isul wasaaraha waxa uu ka hadlay dadaallada dowladda ee dib u habeyta, tayeynta iyo qalabeynta Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo meel wanaagsan maraya si la mid ah hormarrada ay dowladdu ka gaartay dhinaca dhaqaallaha iyana hormar looga sameeyey, dadkuna ay arki doonaan natiijadaas dhowaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...