Muqdisho (SNTV):- Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee Khamiistii ka dhacay caasimadda Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen ย dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Francisco Madeira, oo ah Madaxa Howlgalka AMISOM iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Maka Al-mukarama iyo goobaha kale ee ganacsiga ay cadeyn u tahay sida xagjiriintu u ixtiraameyn xuquuda aadanaha ama u tixgelineyn ahmiyada nolosha u leedaha aadanaha.
โUjeedkooda ugu muhiisam waa iney hoos u dhigaan horumarka ay gaareen Dowladda Federaalka,dowladaha xubnaha ka ah Federaalka,saaxiibadooda ku howlan horumarinta iyo xasilinta Soomaaliya,โ ayuu Madeira ku yiri war qoraal ah uu soo saaray.
Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa muujiyayย taageerada uu u hayo xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna tacsi u diray Ehalada dadka waxyeelada soo gaartay.isagoona dadka dhaawaca ah u rajeeyay in si dhaqsi ah u soo bogsadaan.