Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV)- Kulankaan uu Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz iyo madaxa Hay’adda Horumarinta dalka Turkiga ee TiKA Galib Yilmaz ayaa looga hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen xoojinta Iskaashiga labada dowladood, horumarinta wax soo saarka dhanka beeraha, dhiirgelinta iyo tababaridda beeraleyda Soomaaliyeed iyo sidii loo dar dargelin lahaa fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeeyn sida dhismaha biya xireenka Saabuuni iyo keydka  biyaha Xawaadleey ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Kulankaan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha ayaa la isku afgartay dhammaan qodobadii laga wada hadlay iyadoo safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz u ballan qaaday in ay laba laabi doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda beeraha iyo waraabka Soomaaliya,  isla markaana ay kala shaqeyn doonaan horumarinta wax soo saar ee dalka.

Wasiirka  Wasaaradda  Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya  Mudane Saciid Xuseen Ciid oo kulanka kadib  la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa mid aad iyo aad muhiim ugu ahaa labada dhinac.

“Waxaan ku heshiinay in la dhiso Guddi farsamo oo ka kooban Wasaaradda Beeraha Soomaaliya iyo Hay’adda  Horumarinta dalka Turkiga ee TIKA si loo dedejiyo Fulinta mashaariicyada horumarineed oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeen, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay iskaashiga dhinaca tababarada iyo kor u qaadida tayada Wasaarada beeraha Soomaaliya, waxaa kaloo jira Heshiis ganacsi oo labada dal ka dhaxeeya, Turkiga hada waxaa loo dhoofiyaa Sisinta iyo Liin dhanaanta hadana waxaa rajeeneynaa in Mooska uu ku biiro dalagyada loo iib geeyo dalka Turkiga, ugu dambeyna waxaan ku ballanay inaan ka wada shaqeeno xiriirka labada dal ee dhanka beeraha iyo in Soomaaliya laga taageero sidii ay dib ugu soo nooleen lahayd wax soo saarkeedii dhanka beeraha si ay shacabkeeda u quudiso una gaarto isku filnaansho” ayuu yiri Wasiirka  Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya  mudane Saciid Xuseen Ciid oo warbaahinta Qaranka la hadlay.

Heshiiskan ayaa waxa uu fududeyn doonaa in beeraleyda Soomaaliyeed ay xoojiyaan wax soo saarka dalagyada ka soo go’a beerahooda, si loogu iibgeeyo dalka Turkiga iyo dalalka kale ee daneeya kheyraadka dalkeena Soomaaliya ka soo go’a.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo soo saaray go’aanno adag oo ku wajahan amniga Dalka  

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey...

R/W ku-xigeenka Labaad oo dhagax-dhigay Suuq Xoolaha lagu iibin doono ee Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Abdisalaan Abdi Ali Dhaay...

Wasiirka Batroolka XFS oo ka qeyb galay Carwada Shidaalka ee Wadamada Bariga Afrika 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee...

S/G Odawa “Diyaar ayaan u nahay in aan ka hortagno kooxaha khawaarijta ah”

Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Rage, oo ah hoggaamiye sare...