Muqdisho (SNTV):โRaโiisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa kala hadlay dedejinta dhamaystirka sharciga doorashooyinka iyo dib-u-eegista sharciga xisbiyada.
Xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinaka ayuu ugu horrayn Raโiisul Wasaaruhu ka dhagaystay waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshooyinkooda ku aadan hir-gelinta doorashooyinka 2020.
Raโiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga u caddeeyay in dawladda ay ka goโantahay in ay kala shaqeeyaan waajibaadka ka saaran doorashooyinka dalka.
Halbeegyada ku jira tubta siyaasadda loo dhanyahay ee la doonayo in lagu guulaysto sannadkaan 2019 ayaa waxaa kamid ah samaynta sharciga doorashooyinka oo saldhig u noqonaya in shacabka Soomaaliyeed ay goโaan ka gaaraan hoggaanka dalka.