Wasiir Beyle โ€œDadaal keenii wuu mira dhalayaa, guushuna way caddahayโ€

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Dadaalka dawladda ee horumarinta dhaqaallaha dalka uu miro dhalay, guulna laga gaaray dib u habeynta siyaasdeed ee ย hanaanka maamulka maaliyadeed.

โ€œDadaal keenii wuu mira dhalayaa, guushuna way caddahay sida ku cad warbixinta ay soo saartayย  IMFโ€ ayuu yiri Wasiir Beyle.

Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa xusay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabbaha Horumarka iyo guusha, islamarkaana godkii madoobaa ay kasoo baxday, waxaana Shacabka Soomaaliyeed uu ku ammaanay dadaalka ay ka geeysanayaan horumarka dhaqaallaha.

โ€œGodkii madoobaa waanu ka soo baxnay, waxaanu saaranahay dhabbihii caddaa ee guusha, Hadaan nahay ummadda Soomaaliyeed waa in aan dadaalkeena sii laba laabnaaโ€

โ€œWaxaan u mahadcelinayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed oo masuul ka ah horumar walba oo aan sameyno, hadaysan canshuur bixin laheyn isla markaana aysan la shaqeyn laheyn Dowladdooda maanta ma gaari laheyn guul walba oo aanu gaarnayโ€ ayuu mar kale yiri Wasiir Beyle.

Hayโ€™adda (IMF) ayaa War qoraal ah oo ay soo saartay waxay Dowladda Soomaaliya ku ammaantay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaartay horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka, kobaca daqliga soo gala dowladda, taasi oo ku timid dadaalkii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay u gashey siddii muwadiniintu loogu buraarujin lahaa ahmiyadda ay leedahay bixinta canshuuraha, waxaana hayโ€™adda (IMF) ay xustay in sanadkan 2019 uu jiro horumaro ballaaran oo dowladdu ay ka gaartay xagga daqliga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...