Wasiir Beyle โ€œDadaal keenii wuu mira dhalayaa, guushuna way caddahayโ€

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Dadaalka dawladda ee horumarinta dhaqaallaha dalka uu miro dhalay, guulna laga gaaray dib u habeynta siyaasdeed ee ย hanaanka maamulka maaliyadeed.

โ€œDadaal keenii wuu mira dhalayaa, guushuna way caddahay sida ku cad warbixinta ay soo saartayย  IMFโ€ ayuu yiri Wasiir Beyle.

Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa xusay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabbaha Horumarka iyo guusha, islamarkaana godkii madoobaa ay kasoo baxday, waxaana Shacabka Soomaaliyeed uu ku ammaanay dadaalka ay ka geeysanayaan horumarka dhaqaallaha.

โ€œGodkii madoobaa waanu ka soo baxnay, waxaanu saaranahay dhabbihii caddaa ee guusha, Hadaan nahay ummadda Soomaaliyeed waa in aan dadaalkeena sii laba laabnaaโ€

โ€œWaxaan u mahadcelinayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed oo masuul ka ah horumar walba oo aan sameyno, hadaysan canshuur bixin laheyn isla markaana aysan la shaqeyn laheyn Dowladdooda maanta ma gaari laheyn guul walba oo aanu gaarnayโ€ ayuu mar kale yiri Wasiir Beyle.

Hayโ€™adda (IMF) ayaa War qoraal ah oo ay soo saartay waxay Dowladda Soomaaliya ku ammaantay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaartay horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka, kobaca daqliga soo gala dowladda, taasi oo ku timid dadaalkii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay u gashey siddii muwadiniintu loogu buraarujin lahaa ahmiyadda ay leedahay bixinta canshuuraha, waxaana hayโ€™adda (IMF) ay xustay in sanadkan 2019 uu jiro horumaro ballaaran oo dowladdu ay ka gaartay xagga daqliga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...