Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska Puntland.

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray taliska guud ee ciidanka Booliska Puntland ee magaalada Garoowe.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu kormeerkiisa uga gollahaa Korjoogtayna hawlaha shaqo ee ay hayaan xafiisyada taliska Guud ee ciidanka Booliska Puntland, kuwaasi oo kala ah

Xarunta CID-da Puntland, Qaybta gobolka Nugaal iyo Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa guud ahaan kormeeray xafiisyada Taliska ciidanka Puntland, halkaasi oo ay ku sugnaayeen sarakiisha ciidanka Booliska, cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland oo Madaxweynaha siiyey salaan sharaf iyo masuuliyiin kale, waxaana uu Madaxweynuhu la qaatay kulan gaar ah Taliye Xigeenka ciidanka booliska iyo saraakiisha ciidanka isagoo ka xog waraystay habsami u socodka hawlahooda shaqo.

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdisemed Maxamed Gallan ayaa ka warbixiyey muhiimadda Kormeerka Madaxweynaha.

“Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kormeer ku sameeyey Taliska Ciidanka Puntland ee magaalada Garoowe, waxa uu kormeeray Madaxweynuhu dhammaan xafiisyada Taliska ciidanka Booliska qaybta Gobolka Nugaal, Maxkamadda ciidamada qalabka sida, heer Gobol iyo heer Puntland-ba, qaybta hogaanka dembi baadhista CID-da, halkaasi oo aanu kala kulanay dhalinyaro ay tababareen ilaa haddana ay gacanta ku hayaan hay’adda Bank Kraft, kuwaas oo 20 qof ah, kuna soo bandhigay tababarka ay qaateen xarunta dhexdeeda si xirfadu ku jirto.

“Kadib waxa uu Madaxweynuhu shir la qaatay saraakiishii Booliska ee halkaasi ku sugnayd, waxa uu Madaxwdeynuhu u soo gudbey kormeerna ku sameeyey Xarunta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta qaybaheeda kala duwan iyo qayb cusub oo lagu soo kordhiyey wasaaradda taasi oo uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray, xafiis kaas oo loo bixiyey Xafiiska diwaan gelinta saraakiisha fursadda u helay inay tababaro kusoo qaataan dalka dibaddiisa, isla markaana aan xilhayn una diyaarsan ka qayb noqoshada laamaha Amniga iyo ciidamada”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...