Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF oo bogaadisay kobaca dhaqaalaha ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV) War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa looga hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dhabaha geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya.

IMF waxaa ay sheegtay in la soo geba gebeeyey dib u eegistii ugu horeysay ee ku aadan hanaan dhanka la socodka maaliyadda oo ka dhaxeeya Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF iyo DFS,kaasi oo ka saacidaya Dowladda Soomaaliya dib u dhiska kaabayaashii dhaqaalaha ee dalka,dib u habyn siyaasdeed hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loo abuuro degnaansho dhaqaale guud ahaan dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu ammaanay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaartay horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,kobaca daqliga soo gaala dowladda,taasi oo ku timid dadaalkii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay u gashey sidii muwadiniintu loogu buraarujin lahaa ahmiyadda ay leedahay bixinta canshuuraha,waxaana hay’adda (IMF) ay xustay in sanadkan 2019 uu jiro horumaro ballaaran oo dowladdu ay ka gaartay xagga daqliga.

Arrintan ayaa lagu sheegay in ay ku timid go’aan dhab ah oo ay latimid dowladda Soomaaliya,iyadoo muujisay in barnaamijkaasi si dhab ah loo hirgeliyo,lana sii joogteeyo,inkastoo lagu xusay in caqabado ay iska jiraan.

‘’Dhaqaalaha Soomaaliya waa uu sii kordhayaa,dib ayuuna u soo kabanayaa,balse waxaa loo baahanyahay in la sii xoojiyo dadaalka loogu jiro kobcinta dhaqaalaha,si loo yareeyo faqriga iyo gaajada,ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Hay’dda IMF Warbixinta ay soo saartay ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in shaxda lasoo bandhigay November 2018 ay muujisay in dakhliga gudaha dalka laga soo aruuriyay uu gaaray $161 million, oo ka dhigaysa in 31% uu ka badnaa sannadkii hore ee 2017,sanadkii 2018 wuxuu ahaa kobaca dhaqaale 3.1 halka 2019 lafilayo in uu gaaro 3.5.

barnaamijka SMP waa hanaan dhanka la socodka maaliyada oo ka dhaxeeya Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF iyo dowladda Soomaaliya,gaar ahaan wasaaradda maaliyadda Xukuumada Somaaliya,waxaana warbixinta lagu sheegay in guulahaasi ay ku yimaadeen qaadista canshuuraah gudaha ee dalka.

Hay’adaha dhaqaalaha adduunka iyo kuwa gar gaarka ayaa Soomaaliya ka caawinaya sidii ay u gaari lahayd isku filnaasho,yerenta faqriga,shaqo abuur loo sameeyo bulshada.

Dadaaladan ay waddo dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay warbixinta in ay horseedayaan in ugu dambeyn deymaha laga cafiyo Soomaaliya,si ay u gaarto heer isku filnaashiyo ah.

Qorshayaasha ay waddo wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya waxaa kamid ah sidii loo soo daabici lahaa lacago cusub oo ay Soomaaliya leedahay,taasi oo ku imaankarta in lagu guuleysto hanashada taageerada hay’adaha dhaqaale ee caalamiga ah,kuwaasi oo haatan garab istaagan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...