Shirka Saddex Billaha ah ee Cadaaladda oo lagu qabtay Muqdisho.

Date:

Muqdisho (SNTV)– Waa shir seddexdii biloodba mar ay isku yimaadaan bahda cadaaladda dalka iyo deeq bixiyeyaasha caalamka, kaasoo lagu soo bandhigo wax yaabaha laga qabtay arrimaha garsoorka iyo Cadaalada markaasi socda ee la doonayo in lagu sii hormariyo, waxaa ka qayb galay wakiilo ka socday dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, gobolka Banaadir Wasaaradda Cadaaladda oo hormuud u ah xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee arrimaha cadaalada ka shaqeeya, sidoo kale dowladaha Denmark iyo Holand ayaa ka mid aha ka qayb galayaasha shirka maanta.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo furay shirka ayaa ka jeediyay Khudbad uu uga hadlay horumarka laga sameeyay arrimaha cadaalada dalka iyo dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto in la sii balaariyo, isaggoo halkaa ka sheegay in dhawaan la dhisi doono golaha adeegga garsoorka iyo kan la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa shirka kusoo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay bilihii dambe waxaa sidoo kale la soo bandhigay daraasaad iyo xog uruurin laga sameeyay helitaanka cadaaladda ee bulshada, taasi oo laga sameeyay guud ahaan dalka.

Wasiirka Cadaaladda XFS ayaa markii uu soo idlaaday Shirka oo saacado qaatay ka hadlay muhiimada uu lahaa Shirkaasi iyo xogtii lagu soo bandhigay.

“Shirkaanw aa mid Seddexdii bilba mar aan yeelano bahda cadaaladda ee Heer federal iyo heer dowlad goboleed, waxaa nagala qayb galay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo deeq bixiyaasha oo runtii ad u ammaanay xogta lagu soo bandhigay, waxaana uu qayb ka yahay shirarka looga hadlayo hormarinta hanaanka cadaalada dalka, waxaan rabnaa oo aan halkaana ka sheegnay in sanadkaan aan dhameestiri doono dhismaha guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo golaha adeega garsoorka oo hadda meelgaba-gaba ah noo maraya”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MUDANAYAASHA GOLAHA SHCABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY HESHIISKII LAGU DHISAY URUR GOBOLEEDKA IGAD

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir...

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan oo gaaray dalka Sucuudiga halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ku sii qul-qulaya dhulka...

Abaalmarinta Sanadlaha ah dhallinyarad hal-abuurka leh ee qaaradda Afrika oo lagu qabtay Nairobi

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabril Ibraahim...