R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo Ankara uga qeyb galay Doorashada Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga

Date:

Ankara (SNTV): Waxaa magaaladda Ankara ee Dalka Turkiga lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Guud iyo Guddoomiyaha Gollaha dhexe ee Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (UMASET).

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumada Soomaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xildhibaanno ka tirsan  labada  Aqal  ee baarlamaanka Soomaaliya, Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga yo Howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee Ankara ayaa goob-joog ka ahaa doorashada.

Doorashada oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha UMASET Shacraawi Maxamed Bashir Halka Guddoomiyaha Gollaha dhexe loo doortay Cabdullaahi Isaaq Cumar oo ah arday heerka labaada ee jaamacada (Master ).

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku bogaadiyay Ardayda wax ka barata dalka Turkiga in ay ka faa’idaystaan fursadaha ay maanta haystaan oo aysan heysan dhalinyaro Soomaaliyeed oo iyaga la mid ah, isagoona u Hambalyeeyay Gudoomiyaha cusub  ay doorteen Ardayda.

Ururka Ardayda UMASET ayaa la aas aasay February 2015 taasi oo dabooshay baahidii ay ardayda Soomaaliyeed ee dalka turkiga u qabeen Urur ay ku mideysan yihiin Ardayda  Soomaaliyeed ee waxkabarta  dalka Turkiga, iyadoona kaalin aas aaska Ururka uu ka qaatay U qeybsanaha Arimaha Tacliinta Hidaha iyo dhaqanka  ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Cabdicazis Sheekh Cabdiraxmaan.

ifrah Abdullahi (Ankara)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...