Jowhar (SNTV)- Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Caliย ย ayaa loo heystaa dilka Marxuumย Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe ย 26-11-2018.
Marxuumย Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud ย ย ย ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinte gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee goalka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo laย socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Caliย ย ย ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka.
Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Caliย ย oo ah eedeysanaha dilka Marxuumka loo heysto.
Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay heyโadaha dambi baarista, waxa ay sidoo kale heyโadaha ku wareejiyeen Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali ย xafiiska Xeer ilaalinta 22-12-aad ee sanadii tagtay, Xafiiska ayaa xilligaas codsaday in loo gudbiyo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.
Muddo kadib baaristooda ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali 12-01-aad ee sanadkan, waxaana loo ballamay fadhiga hore ee maxkamadda 9-ka Bishii 2-aad ee sanadkan.
Garsoorayaasha ayaaย garowsaday in aysan ku filneyn dhageysiga dacwadda fadhi qura, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta amreen in la soo dhameystiro cadeymaha dambi ee loo heysto eedeysanaha.
Afar cisha kadib ayaa markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda, waxa ayna xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen , Qiraalka eedeysanah, Markaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada ย oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuumย Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud.
Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in eedeysanaha oo ku liif bartay Marxuumka maadaama aysan jirin sabab qasbeyso in uu toogto muwaadin marayay hubinta howlaha nabad-gelyada, waxa uuna weydiistay garsoorayaasha in lagu xukumo dil toogasha ah oo kaga filan abaalka ficilkii uu geystay eedeysanaha.
Dhanka kale Qareenada ayaa ku doodayย maadaamaa qiraal uu yahayย eedeysanaha ย in loo fududeeyo ย oo ay bixiyaan magta marxuumka.
Garsoorayaasha ayaa maalintaas soo xiray fadhiga Maxkaamdda, waxaana ku dhawaad bil kadib ay maanta goโaan kasoo saareen dhageysigaย dacwadda loo heystay, Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay dil-toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanaha ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.